HORDHAC: Arsenal v Tottenham – North London Derby

0
172

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Arsenal iyo Tottenham ayaa maanta gegida Emirates Stadium fooda isku dari doona kulann lagu sifayn karo midkii ugu muhiimsanaa ee North London Derby ah taariikhda dhaw.

Arsenal ayaa ah haatan hoggaamiyayaasha Premier League iyagoo hal dhibic ka sarreeya Tottenham iyo Man City taas oo ciyaartan ka dhigaysa mid hoggaanka lagu dagaalamayo.

Mikel Arteta ayaa awooday inuu wararka xiddigaha dhaawacan ee kooxdiisa aad u sugo oo ay adkaatay in war cad la helo xilli uu shaki ku jiray taam ahaanshaha Thomas Partey, Zinchenko iyo Kieran Tierney.

Shalay ayay ahayd markii uu tababaraha ree Spain xaqiijiyay inay saddexdaas xiddigba qayb ka yihiin safka kooxdiisa ee kulanka isku diyaarinaya.

Sidoo kale kabtan Martin Odegaard oo dhaawac ku seegay kulankii ugu dambeeyay ayaa lagu wadaa inuu kusoo bilawdo oo taam u noqdo ciyaartan.

Dhinaca Tottenham warka naxdinta ku ah Antonio Conte ayaa ah dhaawaca Dejan Kulusevski oo muhiim ka ahaa shaxdiisa, Richarlison saddexda weeraryahan kula biiri karo Son iyo Harry Kane.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Arsenal (4-3-3) – Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel, Tierney; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Jesus, Martinelli

Tottenham (3-4-2-1) – Lloris; Romero, Dier, Lenglet; Royal, Bentancur, Hojbjerg, Perisic; Richarlison, Son; Kane

Xogaha Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.