Xiddiga Jorginho oo Sheegay Xulka uu Taageeri Doono Koobka Adduunka.

0
165

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Chelsea iyo Xulka Qaranka Italy ee Jorginho ayaa shaaca ka qaaday inuu taageeri doono xulka Qaranka Brazil Koobka adduunka kaas oo ka dhici doona dalka Qatar isla markaas ku farxi doono hadii ay ku qaadaan Koobka adduunka.

Xiddiga Jorginho iyo Xulkiisa qaranka ee Italy ayaanan ka qayb gali doonin koobka adduunka Kadib markii ay si lama filaan ah uga hareen tartanka intii lagu jiray kulamadii loogu soo baxaayey Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Brazil ayaa ku jira Group-ka G ee Koobka adduunka iyaga oo ay isku Group yihiin Xulalka kala ah Serbia, Zwitzerland iyo Cameroon.

Xulka Qaranka Brazil ayaa kulankooda ugu horeeya ee koobka adduunka waxay la ciyaari doona xulka Qaranka Serbia kulanka wuxuu dhici doona 24 bisha November ee isla sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.