Goolhaye Edouard Mendy oo Diiday Inuu Heshiis Cusub u Saxiixo Kooxda Chelsea 

0
254

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Goolhayaha Kooxda chelsea ee Edouard Mendy ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday heshiis cusub oo ay chelsea u soo bandhigtay sida ay sheegayaan wararku.

Goolhayaha reer Senegal ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray Blues isaga oo noqday Goolhayaha 1-aad ee kooxda.

Chelsea ayaa Goolhaye Edouard Mendy u soo bandhigtay mushahar aad uga yar midka uu qaato Goolhayaha booska kula tartama ee Kepa.

Sidaas darteed Edouard Mendy ayaa diiday dalabka cusub isaga oo doonaya in uu helo mushahar ka badan midka uu qaato Goolhaye Kepa.

Goolhaye Kepa ayaa todobaadkii mushahar ahaan u qaata lacag dhan 145 kun oo Gini halka uu Edouard Mendy qaato lacag dhan 52 kun oo Gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.