Hordhaca Kulanka PSG vs Juventus.

0
255

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxha PSG vs Juventus ayaa caawa isku wajihi doono garoonta kooxda reer France ee Parc des Princes France, ciyaarta oo ah kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan tartanka yurub ee champions League waxay soo gali doontaa saaacada geeska africa markey tahay 22:00.

Hordhaca Kulanka PSG vs Juventus.

Tababare Christophe Galtier ayaa kulankii horyaalk ee toddobaadkan nasiyay Neymar iyo Nuno Mendes halka uu xilli hore bedel ku sameeyay Kylian Mbappe iyo Marco Verratti.

Dhinaca Juventus xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma ayaa noqonaya goolhaye Szczesny oo kula biiraya liiska xiddigaha maqnaa Paul Pogba iyo Federico Chiesa.

Dhaawaca Vitinha ayaa dhirbaaxo ku ah Galtier oo la filayo inuu kusoo bilaabo bedelkiisa Renato Sanches halka ay u badantahay inuu keydka soo fadhiisan doono Fabian Ruiz oo isaguna dhawaan Napoli kaga soo biiray.

Manuel Locatteli ayaa khadka dhexe kula dagaalami doona saaxiibkiisa xulka Talyaaniga ee Marco Verratti halka Filip Kostic la filayo inuu weerarka Bianconeri markale kasoo muuqdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.