Hordhaca Kulanka Celtic vs Real Madrid.

0
132

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Celtic vs Real Madrid ayaa caawa isku wajihi doono garoonta kooxda reer Scotland ee Estadio Celtic Park, ciyaarta ayaa soo dhici doonto saaacada geeska africa markey tahay 22:00.

Real Madrid ayaa bilaaban doonta difaacashada tartanka champions League oo ay ku guulaystay tartanka xilli ciyaareedkii hore.

Dhinaca kale Celtic ayaa doonaysa in ay natiijo fiican kala baxday kulanka kuna rajo weyn in ay meel fiican ka gaadho tartanka.

Xogta Kulanka Celtic vs Real Madrid.

Celtic iyo Real Madrid ayaa horay ugu kulmay tartamada yurub kulan ka tirsnaaa Quarter-Final-ka European cup sanadkii 1979/1980, Real Madrid ayaa labada kulan ku badisay 3/2 kadib markii ay Celtic ku badisay 2/0 lugta hore.

Kooxda Celtic ayaa laga badiyay 8 ka mid ah 10-kii kulan ee champions League ay la ciyaartay kooxaha reer Spain kana mid yahay 4-tii kulan ee ugu dameeyay oo ay dhamaan la ciyaartay Barcelona.

Kulankan ayaa noqon doona kualnkii ugu horeeyay ee ay Real Madrid la ciyaartay koox reer Scotland ah tan ilaa 1983 markaas oo ay Los Blancos guuldaro kala kulantay kooxda Aberdeen.

Kooxda difaacanaysa champions League ayaa kaliya wareega Group-yada looga reebay champions League hal xilli ciyaareed oo ka mid ah 28-mii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyada oo kooxdaas ahayd chelsea.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.