Kooxda Liverpool oo La Wareegtay Xiddiga Arthur Melo.

0
20

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Juventus.

Liverpool ayaa Arthur Melo kula soo wareegtay heshiis amaah ah oo hal sano si ay ugu xaliyaan dhibaatada dhaawac ee khadka dhexe kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa sidoo kale xaqiijisay in xiddiga reer Brazil ee 26 jirka ah kooxda u qaadan doono Lambarka No.29 xilli ciyaareedka uu joogo kooxda, Xiddiga Arthur Melo ayaa noqday saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Liverpool intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.