Man City oo 6-0 uga badisay Kooxda Nottingham Forest

0
227

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Man City  xasuuqday kooxda N Forest oo ay uga talaabsadeen 6 gool oo nadiif ah ka dib ciyaar hal dhinac aheyd xilli Haaland uu lahaa sedex gool

Man City ayaa guul ay qalatay waxa ay ka gaareen nottingham forest ka dib ciyaar hal dhinac aheyd

Cit waxa ay ku wacnaayene isku balaarinta garoonka iyo kubad haysasho taasi oo nottingham forest u diiday in kubadda si sax ah horay ugu soo jidaan

Nasiinada waxaa lagu aaday sedex gool oo uu dhaliyay Haaland halka mid afaraardna oo uu Stones dhaliyay  loo diiday offside ahaan.

City waxa ay  nottingham forest ku dileen in kubadda durba ka soo ceshtaan iyo in ciyaartooyda boosaska isu bad badlayeen marka ay kubadda dhisayaan .

Soo laabashadii , durba City cadaadis ayay bilaabeen ilaa gool 4-aad ay dhaliyaan waxana maraan lahaa Cancelo iyo daqiiqadii 50-aad

Xilli ay dhaliyee goolashaas hadana City isma dhigin oo nin waliba aya agool isku dayay ilaa ay heleen gool 5-aad waxaan daqiiqadii 65-aad saxiixay Alvarez, waxaan kooxda N Forest ku adkaa in kubadda cagtooda xittaa ku daahdo

Ka dib dhacdooyinkaas , ciyaarta hal dhinac oo buuxda ayay aheyd oo City ayaa sida ay doonto u maamuleysay oo mararka qaar %79 ayay gaarayeen waana laga filan karay goolal dheeraad ah  ilaa Alverez uu dhaliyay midkii lixaad waxa ayan ciyaara ku dhamaatay natiijadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.