Tababare Carlo Ancelotti oo Badalka Casemiro Ka Doonaya Premier League

0
177

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalka xiddiga Casemiro kaas oo ku dhaw in uu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan

Real Madrid ayaa Casemiro u ogolaatay in uu ku biiro kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu xiddiu dalbaday in uu u dhaqaaqo premier League.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Real Madrid ayaa calaamasatay xiddiga kooxda Newcastle United ee Bruno Guimaraes, Gaar ahaan Xiddiga Bruno Guimaraes ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Real Madrid iyada oo Ancelotti xiddiga reer Brazil u arko mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxda.

Laakiin Newcastle United ayaa dalban doonta lacag ka badan 52 milyan oo euro taas oo ah lacagtii ay ka soo bixisay xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.