Tababare Pep Guardiola oo Haaland Bar-Bar Dhigay Lionel Messi.

0
207

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Man City ee pep Guardiola ayaa amaan ugu qubeeyay weeraryahankiisa Erling Haaland isaa oo xitaa xiddiga bar-bar dhigay xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi.

Xiddiga Erling Haaland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ciyaaro horyaalka premier league.

Erling Haaland ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii ay Man City garaacday kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horayalka premier League.

Guardiola ayaa sheegay in uu Haaland xasuusiyo Lionel Messi isla markaas sheegay in uuna xiddiga reer Norway marna ku qancin in uu dhaliyo gool ama 2 gool.

“Waan jecelahay”ayuu Guardiola yidhi “Waxa aan Nasiib u lahaa in aan tababare u noqdo Lionel Messi, hadii uu Messi 2 gool dhaliyo mar walba waxa uu dooni jiray mid 3-aad iyo 4-aad”.

“Hadii uu dhaliyo 4 waxa uu raadiyaa mid 5-aad, Haaland waa sidaas oo kale waana weeraryahan gool dhaliye ah”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.