Gary Neville oo Magacaabay Kooxaha Man City Iyo Liverpool Cidda Kula Tartami Doonta Horyaalka

0
207

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Gary Neville ayaa aaminsan in Tottenham ay tahay kooxda kaliya ee awooda in ay xilli ciyaareedkan kula tartanto kooxaha Manchester City iyo Liverpool horyaalka Premier League.

Liverpool iyo Man City ayaa u awood sheegtay Premier League 5-tii sano ee ugu dambeeyay iyaga oo xilli ciyaareedkii hore hal dhibic ku kala qaaday horyaalka.

Wax badan ayaa laga filayaa koocaha Tottenham, Chelsea iyo Arsenal marka la eego suuqa kala iibsiga ee ay qaadanayaan.

Si kasta ha ahaatee Neville ayaa rumaysan in ay Tottenham tahay kooxda Liverpool iyo Man City kula tartami doonto horyaalka premier League.

“Waxan u malaynayaa Ivan Perisic waa saxiix fiican, waxa aan aaminsanahay in saxiixiisa uu ka caawinyo kaalinta 3-aad laakiin saxiixyada Yves Bissouma & Richarlison ayaa si xoojinaya”ayuu Neville yidhi.

“Waxa ay haatanba haystaan Harry Kane iyo Son kuwaas oo ah xiddigo heer sare ah”.

“Waxa aan filayaa in ay Tottenham tahay kooxda kaliya ee Man City iyo Liverpool kula tartami karta horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.