Saxiixa Timo Werner oo ay ku Dagaalami Doonaan Dhowr Kooxood.

0
225

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Juventus, Borussia Dortmund, RB Leizpig & Newcastle United Ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay 4 kooxood suuqa xagaagan.

Xilli uu ku jiro labadii sano ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Chelsea, Werner ayaa ku lug lahaa 23 gool iyo 21 caawin 89 kulan oo uu u ciyaaray Blues.

Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, 4 kooxood oo waaweyn ayaa doonaya saxiixa xiddiga reer Germany inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga ayaa dhankiisa u furan in uu isaga tago kooxda chelsea suuqa xagaagan si uu ugu biiro koox uu joogto uu ciyaari doono xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.