Man United oo Rajo Cusub Ka Heshay  Weeraryahanka Kooxda Ajax 

0
16

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-22-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay kooxda heysata horyaalka Dalka Holland, isagoo dhaliyay 12 gool, waxaana uu caawiyay 10 kale 32 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Erik ten Hag ayaa xiddiga reer Brazil keenay kooxda Ajax sanadkii 2020 isaga oo kala soo saxiixday kooxda Sao Paulo tababaraha cusub ee Man United ayaa doonaya in uu xiddiga kula midoobo Old Trafford.

Man United ayaa u muuqata in ay war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga iyada oo Ajax bilowday in ay raadiso badalkiisa iyada oo lala xidhiidhinayo xiddigo garabka ka ciyaara.

Kooxda Ajax ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga laakiin waxa ay dalbanaysaa lacag dhan 80 milyan oo euro taas oo ah mid ay United diidantahay.

Xiddiga Antony ayaa dhankiisa kooxda Ajax ku riixaya in ay u ogolaadaan in uu ku biiro kooxda man United si uu ula midoobo tababarihiisii hore ee Erik ten Hag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.