Chelsea oo Wada hadal Kula Jirta Daafac PSG ah. 

0
176

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda PSG ee Presnel Kimpembe kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe suuqa xagaagan.

Wargayska The The Athletic ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ogolaatay in ay chelsea ka iibiso daafaca reer France hadii ay Blues miiska saarto qiimaha ay doonayso xiddigaasi.

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya in ay kooxda Chelsea u keento daafaca Kimpembe kaas uu kula soo shaqeeyay kooxda PSG markii uu joogay kooxda reer France.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Chelsea u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro iyo waliba 10 milyan oo Guno ah hadii ay doonayso saxiixa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.