Kooxda Chelsea oo isku diyaarineysa Dalab Rasmi ah oo ay Ka Gudbinayaan Cristiano Ronaldo.

0
245

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa diyaarinaysa dalab Rasmi ah oo ay ka gudbinayso xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Man United ka codsaday in uu isaga tago suuqa xagaaga si uu ugu biiro koox ka ciyaarta Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Saxafiga Pete O’Rourke ayaa haatan sheegaya in ay Chelsea diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 14 milyan oo euro oo ay ka gudbinayso saxiixa xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo.

Milkiilaha kooxda chelsea ayaa bishii hore la kulmay Wakiilka xiddiga si uu ugala hadlo sidii uu xiddigu u iman lahaa kooxda chelsea.

Cristiano Ronaldo ayaa xitaa diyaar u ah in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu uga biiro kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.