Barcelona oo sheegtay in Lix Ciyaartooy ay ka cayrin doonto kooxda.

0
251

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi ayaa sheegay xagaagan in ay kooxdiisa ka dirayaan ilaa lix ciyaartoy oo kooxda koowaad ah, kuwaas oo haddii loo waayo dalabyo macquul ah ay xataa qorsheeyeen inay si bilaash ah ku fasaxaan.

Ciyaartoyda Barcelona ayaa tababarka kusoo laabanaya maanta oo Isniin ah, waxaana ay bartamaha bishan u duuli doonaan waddanka Maraykanka oo ay laba jeer ku wada ciyaari doonaan Real Madrid, halka ay sidoo kale wajihi doonaan kooxo kale oo waaweyn.

Qorshaha Barcelona ayaa ah in ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23 in si weyn hoos loogu dhigo mushaharka iyo kharashaadka ay bixiyaan haddii aanay samaynin saxeexyo cusub oo ku kalifa inay mushaharooyin badan siiyaan, iyadoo haddaba la ogyahay inay daneynayaan xidigaha kala ah Franck Kessie iyo Andreas Christensen oo maalmaha soo socdo ay dalabyo ka gudbin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.