Shaxdii ugu Fiicneed Xilli Ciyaareedkii tagey oo La soo saaray.

0
209

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-30 Bishii June ee ku beegnayd khamiistii waxa la soo afjaray xilli ciyaareedka 2021/2022 waxana uu wargayska MARCA soo saaray shaxdii ugu fiicnayd xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Waxa jira xiddigo badan oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kuwaas oo is muujiyay waliba caawiyay kooxaha ay u ciyaarayeen xilli ciyaareedka.

Iyaga oo adeegsanaya xorta qaab ciyaareedka xiddigihii sida fiican u ciyaaray xilli ciyaareedkii dhamaaday wargayska ayaa soo xushay shaxda ugu fiican.

Kooxihii isaga hor yimid Final-k champions League ee Liverpool & Real Madrid iyo Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan maadama ay labada kooxoodba si fiican u ciyaareen.

Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa shaxda ku leh min 3 xiddig kadib xilli ciyaareed fiican oo ay tartan adag soo qaateen.

Dhanka kale Real Madrid ayaa shaxda ku leh 5 xiddig kadib markii ay ku guulaysteen 2 koob oo ay ka mid yihiin champions League iy La liga.

تشكيل ماركا المثالي لموسم 2021/2022

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.