Xiddiga Tyrell Malacia oo Doortay Inuu Ku Biiro Man United Diidayna Kooxda Lyon.

0
27

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Daafaca bidix ee kooxda Feyenoord Tyrell Malacia ayaa doortay ku biirista kooxda Man United isaga oo iska diiday kooxda Lyon sida laga soo xigtay wargayska L’Equipe.

Xilli ay Lyon qarka u saarantahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga 22 jirka ah ayay Man United dalab ka gudbisay saxiixiisa saacadihii ugu dambeeyay iyada oo kooxda Feyenoord isla markiiba aqbashay dalabka Man United.

Xiddiga Malacia ayaa la dhex dhigay doorashada kooxda uu ku biirayo maadama ay labada kooxoodba Feyenoord kala heshiiyeen qiimaha xiddiga.

Haatan wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu xiddiga u dhashay xulka Netherlands wadahadalo heshiiska shaqsiga ah kula jiro kooxda Man United.

Man United ayaa Malacia ka bixinaysa lacag dhan 15 milyan oo euro iyo waliba 2 milyan oo guno ah waana xiddig uu Erik Ten Hag jecelyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.