Barcelona oo diyaarinaysa soo qaadashada Robert Lewandowski

0
230

Kismaayo (Idaacadda Waamo)- Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Robert Lewandowski u sheegtay in ay dala cusub ka gudbin doonto saxiixiisa sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano.

Barcelona ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga Bayern Munich waxana ay diyaarinayaan dalab cusub oo 40 milyan oo euro ah iyo waliba lacago gunooyin ah.

Lewandowski ayaa horay si cad ugu sheegay in uu doonayo ka tagista kooxda Bayern Munich isla markaas ku biiro kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Hehsiiska Lewandowski ee Bayern Munich ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Bayern ayaa xiddiga ku qiimaysa lacag dhan 60 milyan oo euro laakiin kooxda Barcelona ayaa kaliya diyaar u ah in ay dalabkeeda gaadhsiiso 10 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.