Campbell oo shaaca ka qaaday sababta uu Gabriel Jesus u doonayo inuu ku biiro Arsenal

0
167

Kismaayo (Idaacadda Waamo) Halyeeyga kooxda Arsenal ee Kevin Campbell ayaa shaaca ka qaaday sababta uu weeraryahanka Manchester City ee Gabriel Jesus u doonayo inuu ku biiro Gunners.

25 jirkaan ayaa qandaraas kula jira Man City ilaa June 2023, waxaana lala xiriiriyay Arsenal, Tottenham Hotspur, Chelsea iyo Real Madrid, gaar ahaan ka dib markii City ay la soo wareegtay xiddiga heerka caalami ee dalka Norway ee Erling Haaland, kaasoo kaga soo biiray Borussia Dortmund.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Kevin Campbell ayaa wareysi uu bixiyay, wuxuu ku sheegay:

“Gabriel Jesus waa da’ayar, jir ahaan taam ah, waana ciyaaryahan Brazilian ah.”

“Waxaad dhihi kartaa waa weeraryahan heer caalami ah, wuxuuna inta badan u ciyaaraa Brazil.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.