Arsenal oo u dhaqaaqday saxiixa xiddig caan ah oo ka tirsan Real Madrid

0
17

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda reer London ee Arsenal ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddig caan ah oo ka tirsan Real Madrid, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail ee dalka England, Arsenal ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee ku dhawaaqday xiisaha ay u qabto xiddiga kooxda Real Madrid ee Marco Asensio, kaasoo albaabka u furay inuu ka tagayo xagaagan.

Qandaraaska Asensio ee Real Madrid wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, welina ma uusan aqbalin inuu heshiiska u cusbooneysiiyo Real Madrid.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Arsenal ay dhawaan la xiriirtay wakiilada Marco Asensio si ay wax uga weydiiyaan xaaladiisa, iyo suurtogalnimada ay ku heli karaan.

Balse ka maqnaanshiyaha kooxda Arsenal ee tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda ayaa la filayaa in ciyaaryahanka reer Spain ay hoos u dhigto xiisaha uu ugu dhaqaaqi lahaa garoonka Emirates.

Si kastaba ha noqotee, warbixintan ayaa lagu xusay in Asensio uu doonayo in loo dammaanad qaado inuu si joogto ah uga qayb qaadan doono ciyaaraha kooxdiisa cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.