Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo sheegtay in tirada Gabdhaha sanadkaan u fariisanaya imtaxaanka shahaadiga ah ee Dusiga sare ay ka badanyihiin tirada sanadkii hore

0
201
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tirada gabdhaha sanad dugsiyeedkaan 2021-2022 u fariisanaya Imtaxaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ah kuwo ka badan tiradii sanad dugsiyeed hore ee 2020-2021 .
Gabdhaha sanadkaan u fariisanaya Imtaxaanka shahaadi ah ee Fasalka 12 ee guud ahaan Jubbaland ayaa ah 401 oo gabdhood  halka tirada sanadkii hore ay ahaayeen 300 oo gabdhood waxaana halkaasi ka muuqata in sanadkaan iyo sanadkii hore farqi wayn oo dhanka wax barashada gabdhaha ah uu jiro waxaa ayna saati ku timid dadaalo iyo wacyi galin badan oo ay samaaysay Wasaradda Waxbarashada Jubbaland si gabdhaha loogu baraarujiyo wax barashada iyo Faa’iidada ay leedahay.
Qaar ka mid ah gabdhaha wax ka barta dugsiyada sare ee Magaalada Kismaayo ee u diyaar garoobaya in ay sameeyaan Imtaxaanka dugsiga sare ee fasalka 12 ayaa ka warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen imtaxaanka iyo sida ay uga gu antahay inaay ka mira dhaliyaan hamigooda waxbarasho.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.