RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee Premier League

0
261

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka Premier League ee 2021-22 ee ay taageereyaashu u codeeyaan, waxaanu ku garaacay Kevin de Bruyne oo khadka dhexe uga ciyaara Manchester City.

Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2021-22 waxa uu dhaliyey 23 gool oo Premier League ah, isaga oo kooxdiisa ka caawiyey inay soo yarayso farqiga dhibcaha Manchester City oo horraantii sannadkan mar gaadhiisnaa illaa 14 dhibcood balse hal dhibic oo kali ahi u dhaxaysay labada kooxood markii uu xilli ciyaareedku dhamaaday.

Tageereyaasha kubadda cagta Premier League oo u codeeyey xiddigii ugu fiicnaa sannadka ayaa waxay isku raaceen in Salah oo ka sokow goolashiisa noqday ciyaartoygii ugu caawinta badnaa uu yahay laacibkii ugu fiicnaa, iyaga oo ka eegay tirada goolashiisa iyo saamayntii uu lahaa.

Xiddiga reer Masar oo kusoo guuleystay abaal-marinta sannadka ee ciyaartoyga ugu fiicna Premier League ee Ururka Qoreyaasha Kubadda cagta ee FWA, kabta dahabka ah iyo kubbad-sameeyaha ugu wanaagsanaa ayaa helay codadkii ugu badnaa ee ay taageereyaashu bixiyeen.

Labada ciyaartoy ee ay taageereyaashu kala sareen, ayaa waxay ku kala guuleysteen FA Cup iyo Carabao Cup oo uu Mohamed Salah la qaaday Liverpool iyo Kevin de Bruyne oo Premier League kula guuleystay Manchester City.

Waxa kale oo abaal-marintan kula tartamay Phil Foden, Conor Gallagher iyo Declan Rice.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.