AC Milan oo loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka horyaalka Serie A

0
224

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-AC Milan ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, kaddib markii ay ku garaaceen kooxda Sassuolo 0-3, kulankooda ugu dambeeyay horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ataa lagu kala nastay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee AC Milan.

Daqiiqadii 17-aad AC Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Olivier Giroud, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Rafael Leão.

32 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Milan ayaa dhalisay goolkeeda labaad kaddib markii uu 0-2 ka dhigay ciyaarta Olivier Giroud oo markale ay caawin kaga timid Rafael Leão.

Daqiiqadii 36-aad Milan ayaa dheereysatay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 0-3 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Franck Kessié, waxaana caawintiisa saddexaad ee kulanka sameeyay Rafael Leão.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay AC Milan kooxda Sassuolo oo ay booqatay, Rossoneri ayaa muddo 11 sano kaddibloo caleemo saaray hanashada koobka horyaalka Talyaaniga, iyada oo ku qaaday 86 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.