Kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield

0
164

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood ku kala nasteen Liverpool iyo Tottenham Hotspur barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Tottenham Hotspur ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay dheesha Son Heung-min, kaddib markii ay caawin kaga timid Ryan Sessegnon.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Tottenham Hotspur ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay dheesha Son Heung-min, kaddib markii ay caawin kaga timid Ryan Sessegnon.

Laakiin 74 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Luis Díaz oo caawinta goolka ka helay saaxiibkiis Thiago.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Liverpool iyo Tottenham Hotspur, Reds ayaa farqi goolal ah waxay dib ugu soo laabatay hoggaaminta horyaalka, waxayna ku dhibco tahay Man City oo bari la balansan Newcastle waxayna leeyihiin min 83 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.