Xulka qaranka Senegal oo u gudbay afar-dhammaadka tartanka AFCON 2021 kaddib markii uu guul sahlan ka gaaray Equatorial Guinea

0
170

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka Senegal ayaa u gudbay afar-dhammaadka tartanka AFCON 2021 kaddib markii uu guul sahlan kaga gaaray Equatorial Guinea 3-1, kulankii lagu soo xiray wareega siddeed dhammaadka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Senegal.

Daqiiqadii 28-aad xulka qaranka Senegal ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Famara Diedhiou kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mané.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka qaranka Equatorial Guinea ayaa dhaliyay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay xiddigooda J. B. Sam oo caawin ka helay saaxiibkiis Pablo Ganet.

Laakiin daqiiqadii 68 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka Senegal ayaa markale hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay Cheikhou Kouyaté.

Xulka qaranka Senegal ayaa daqiiqadii 79-aad ayaa dheereystay hogaaminta dheesha kaddib markii uu 3-1 ka dhigay laacibkooda Ismaïla Sarr.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 uu kaga adkaaday xulka Senegal, dhigiisa Equatorial Guinea, Sadio Mané iyo saaxiibadiis ayaa waxa u gudbeen wareega afarta ee Koobka qarammada qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.