Man United oo guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Burnley oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford

0
264

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Burnley oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 8-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay McTominay, waxaana goolkan ka caawiyay Cristiano Ronaldo.

27 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa dhalisay goolkeeda labaad kaddib markii uu gool iska dhaliyay Ben Mee, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 2-0 ay ku hoggaamineysay United-ka.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 35-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay  kooxda Manchester United.

Laakiin 38 daqiiqo marka ay ciyaarta sii mareysay kooxda Burnley ayaa la timid gool, kaddib markii uu 3-1 ka dhigay dheesha laacibkooda Aaron Lennon.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda Burnley oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa soo gashay booska 6-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 31 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.