Gavi oo dhaafay rikoor uu heystay Lionel Messi kaddib goolkii uu xalay ka dhaliyay Elche

0
228

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay guul dhib badan ay ka martay ka gaartay naadiga Elche kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga isla markaasna ka dhacay garoonka Camp Nou, waxaana ciyaartii ku dhammaatay 3-2 mid ka mid goolasha Barca u ansixiyay da’yarkeeda Gavi.

Goolkan ahaa midkii ugu horreeyay ee uu Gavi u dhaliyo naadiga Barcelona ayaa ku noqday xiddiga saddexaad ee ugu da’da yar ee kooxda reer Catalonia gool u dhaliyo taariikhdeeda isagoo xitaa garaacay Lionel Messi oo booskan saddexaad heystay.

Messi ayaa goolkiisii ugu horreeyay Bluagrana u dhaliyay isagoo jira 17 sano iyo 331 maalmood halka Gavi uu goolkii xalay dhaliyay isagoo jira 17 sano iyo 135 maalmood.

Kaliya Ansu Fati oo gool u dhaliyay Barcelona isagoo jira 16 sano iyo 304 maalmood iyo Bojan Krkić oo isna shabaqa gaaray isagoo jira 17 sano iyo 53 maalmood ayaa diiwaankan kaga sarreeya Gavi oo booska saddexaad kaga jira gool-dhaliyaasha ugu da’da yar taariikhda naadiga reer Spain halka Messi uu booska afaraad u dhaadhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.