Manchester United oo ugaarsaneysa difaac ay Barcelona dooneyso inay iska iibiso

0
212

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lasoo warinayaa inay dooneyso inay ka faa’ideysato xaraashka ay Barcelona ku iibineyso xiddigaheeda iyadoo marka Man United ay beegsaneyso xiddiga difaaca midig ka ciyaara ee Sergino Dest.

Mustaqbalka 21-sano jirkan ayaa su’aal weyn la dul dhigay maalmihii dambe kaddib markii ay Barca ku dartay xiddigaha suuqa yaalla ee ay iska iibineyso si ay qasnaddeedu maal macquul ah ugu soo celiso, waxaana sidoo kale Dest xiiseyneysa naadiga Bayern Munich sida ay wararku qaar sheegayaan.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska El Nacional ayaa sheegay inay Red Devils dooneyso saxiixa xiddigan Mareykanka ah maadaama qaab-ciyaareed liita uu dhexda ka istaagay difaaceeda midig ee Aaron Wan-Bissaka taasoo keentay inuu Diogo Dalot dhammeystay dhammaan saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.