Dabaylo xooggan oo qasaaro ka geeystay Maraykanka.

0
177

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay gobolka IIlinoi ka dib markii saqafka bakhaar ay leedahay shirkadda Amazon uu soo dumay hase yeeshee 45 shaqaale ah ayaa si nabad ah looga soo saaray inkastoo kuwa kale ay weli maqan yihiin.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in hoy deg deg ah la siin doono dadka ay dhibaatadu saamaysay, kuwaas oo tobannaan kun oo ka mid ah aanay haysan koronto iyo biyo.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dhimasho ay ka jirto gobolada Arkansas, iyo Tennessee.
Dabeysha Tornadoes ayaa sidoo kale ku dhuftay Mississippi.

Biden ayaa sheegay in dabeylahan ay ahaayeen kuwii ugu waaweynaa ee soo mara taariikhda Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.