Manchester United oo xiddig ka ciyaara Premier League u aragta baddelka Paul Pogba & Wargeys kasoo baxa Ingiriiska oo daaha ka rogay xilliga ay u dhaqaaqeyso

0
205
Soccer Football - Premier League - Aston Villa v Manchester United - Villa Park, Birmingham, Britain - May 9, 2021 Manchester United's Paul Pogba and Fred in action with Aston Villa's John McGinn Pool via REUTERS/Michael Steele EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club /league/player publications. Please contact your account representative for further details.

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mustaqbalka xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara naadiga Manchester United ee Paul Pogba ayaa wali wajahaya hubanti la’aan baahsan kaddib markii ay Red Devils quus kasoo istaagtay inay qandaraaska u kordhiso xilli dhammaadka xilli ciyaareedkan uu xor u noqon doono ku biirista kooxdii uu doono.

Sidaas darteed, Man United ayaa ku jirta raadinta baddelkiisa, waxaana markan xiisaheeda ay u weecisay xiddiga naadiga Aston Villa ee John McGinn kaasoo ay u aragto baddelka laacibka Faransiiska.

Wargeyska kasoo baxa England ee The Sun ayaa sheegay in macallinka ku meel gaarka ah ee Ralf Rangnick uu McGinn u arko mid ka habboon taatikadiisa isagoo doonaya inuu lasoo wareego isla suuqa January, hase ahaatee, waxaa suurogalnimo la gelinayaa inuu macallinka sidoo kale Pogba ka dhaadhicin karo qandaraas kordhinta Old Trafford.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay Villa xiddigan ku iibin karto lacag lagu sheegay 50 milyan oo gini maadaama qandaraaska uu Villa Park ku joogo uu dhici doono 2025.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.