Qaar ka mid ah Haween Kismaayo oo soo saara agabyada hidaha iyo dhaqanka

0
320
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Sameyta dharka aliidiga ayaa ah mid  u baahan howl adag taasi oo adag tahay in mararka qaar la sameeyo.
Dharka aliidiga ayaa waxaa qaata odayaasha haweenka iyo bulshada inteeda kale waana xirfad u baahan barasho gaar ah.
Tiro Haween ah oo iska kaashaday lana magacbaxay  Talo-Wadaag ayaa waxa ay magaalada Kismaayo ka hirgaliyeen xarun lagu sameeyo ama soo saarta dharka aliindiga noocyadiisa kala duwan.
Ku dhawaad mudo lix bilood ah ayaa haweenkan xaruntooda shaqeeneysay  iyagoona soo saaray gabdho dhaliyaro ah oo wax badan ka fahansan qaabka loo soo saaro dharka aliindiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.