Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Dowladda Jarmalka oo soo gaaray Muqdisho

0
276

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa xalay Caasimadda Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr. Thorsten Hutter, oo uu wehelinayay Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, Mudane Marcus von Essen.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.