RASMI: Robert Lewandowski oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan sanadka ee IFFHS

0
52

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Robert Lewandowski oo dhawaan uun ku guuleystay abaal-marinta Golden Player ee sanadkan 2021 ee uu bixiyo Wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport, isla markaana la saadaalinayo inuu hanan doono Balon d’Or ayaa sidoo kale maanta loo gacan galiyay abaal-marin kale oo hor leh.

Xiriirka Caalamiga ee Taariikhda Kubbada Cagta iyoTiro-koobyada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (IFFHS) ayaa laacibka reer Poland u aqoonsatay xiddiga ugu fiican Adduunka ee 2021.

Lewandowski ayaana abaal-marintan ay bixiso IFFHS ee laacibka ugu wanaagsan sanadka ku guuleystay sanadkii labaad oo xiriir ah.

33-sano jirkaan Weerarka uga dheela Kooxda Bayern Munich ayaa abaal-marintan ku garaacay Lionel Messi iyo Jorginho oo kala galay labaad iyo saddexaad.

Codadkii la dhiibtay waxa uu Lewandowski helay 150 cod, halka Leo Messi oo kaalinta labaad ka soo muuqday uu helay 105 cod, waxaans booska saddexaad soo ciriirsaday Jorginho oo helay 40 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.