Chelsea oo garaacday Juventus xilli Barcelona taako loo dhigay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray UCL

0
232

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kulammo ka tirsan wareegga guruubyada tartanka Champions League ayaa caawa laga ciyaaray garoommo kala duwan oo ku yaalla dalalka qaaradda Yurub.

Chelsea, Juventus, Barcelona, Bayern Munich, Manchester United, ayaa ugu madax fiiqnaa kooxaha caawa ka ciyaaray kulammada shanaad wareegga guruubyada ee tartanka Champions League.

Chelsea ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay garoonkeeda Stamford Bridge kooxda Juventus kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, waxaana goolasha Blues u kala dhaliyay xiddigaha kala ah Chalobah, James, Werner, iyo Hudson-Odoi.

Halka kooxaha Barcelona iyo Benfica ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, kaddib ciyaaraad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka weyn ee Camp Nou.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group E –

Dynamo Kyiv 1-2 Bayern Munich

Barcelona 0-0 Benfica.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.