DEG-DEG: Man United Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Caydhinta Tababare Ole Gunnar Solskjaer

0
213

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester United ayaa ugu dambayn si rasmi ah u shaacisay go’aanka ay shaqada tababarenimo ee kooxdeeda kaga dirtay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo muddooyinkii ugu dambeeyay oo dhan u muuqday mid aan hurayn in laga caydhin doono Old Trafford.

Solskjaer ayaa Man United la wareegay bishii December ee sanadkii 2018 balse mudo saddex sano ah oo uu joogay kooxdaas ayuusan wax koob ah qaadin isaga oo suuqa geliyay lacag ka badan 400 Milyan oo pound.

Solskjaer ayaa xilli ciyaareedkan la filayay in kooxdiisu u tartami doonto horyaalka Premier League kaddib saxeexyadii Jadon Sancho, Raphael Varane iyo Cristiano Ronaldo oo lagu soo kordhiyay saf horeba loogu arkayay mid heer sarre ah.

Taas bedelkeeda Red Devils ayaa kaddib 12 kulan oo ay ka ciyaareen Premier League kasoo helay 17 dhibcood iyaga oo 12 dhibcood ka dambeeya hoggaamiyayaasha Chelsea.

“Manchester United waxay xaqiijin kartaa in Ole Gunnar Solskjaer uu ka tagay doorkiisii kooxda ee tababarenimo, waad ku mahadsantahay waxkasta, Ole” ayaa lagu yidhi warbixinta ay soo saartay Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.