Nin looga mamnuucay makhaayad sabab la yaab leh

0
327

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Nin u dhashay dalka shiinahan oo magaciisa lagu koobay Mr Kang, ayaa u sheegay taleefishinka Hunan TV in laga mamnuucay Makhaayadda Handadi ee lagu iibiyo cunnooyinka badda laga soo saaro iyo hilibka doofaarka makhaayaddaas oo ku taal magaalada Changsha kaddib markii uu cunay cuno badan .

1.5kg oo hilib ah ayuu ugu horraysay ka cunay makhaayaddaas iyadoona markii labaad ee uu tagay uu cunay 3.5kg illaa 4kg oo kalluun ah.

Mr Kang ayaa sheegay in makhaayadda ay “takoorto” dadka wax cunista badan .

“Wax badan ayaan cuni karaa – taasi miyaa dambi ah?” ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray inuusan khasaarin cuntadii uu soo gurtay.
Hasayeeshee ninka iska leh makhaayadda ayaa isla weriyihii uu Mr Kang u warramay waxa uu u sheegay in ninkaasi uu lacag badan ka khasaariyay.
“Markasta oo uu yimaado halkan, waxaan lumiyaa dhowr boqal oo lacagta yuan-ka ah,” ayuu yiri.
Waxaa latilmamay in markii uu caano cabaayo waxa uu cabbi karaa 20 ama 30 caag oo caana ah. Markii uu cunaayo hilibka waxa uu cuni karaa saxan wayn oo buuxa. Kalluunka caadiyan dadku waxa ay ku soo gurtaan suxuunta yaryar hasayeeshee isaga waxa uu soo qaadanayaa saxan wayn oo wixii oo dhan ayuu ku ridanayaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.