Adduunka oo maanta laga xusayo maalinka Carruurta

0
218

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalinta Carruurta Adduunka ayaa markii ugu horreysay la aasaasay 1954-kii iyada oo loo oqoon saday Maalinta Caalamiga ah ee Carruurtu sanad kasta 20 November  si kor loogu qaado wadajirka caalamiga ah, ee wacyiga carruurta adduunka oo dhan, iyo horumarinta daryeelkooda.

20-ka Noofambar waa taariikh muhiim u ah carruuta maadaama ay ku beegan tahay 1959-kii markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Xuquuqda Carruurta. Sidoo kale waa maalintii 1989kii markii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu meel mariyey Axdiga Xuquuqda Carruurta.
Laga soo bilaabo 1990, Maalinta Carruurta Adduunka waxaa laxusaa sannad-guuradii ka soo wareegtay markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay labadaba Baaqa iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta.
Hooyooyinka iyo aabbayaasha, macallimiinta, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo dhakhaatiirta, hoggaamiyeyaasha dawladda iyo dhaqdhaqaaqayaasha bulshada rayidka ah, odayaasha diinta iyo bulshada, maareeyaasha  shirkadaha iyo xirfadlayaasha warbaahinta, iyo sidoo kale dhalinyarada iyo carruurta laftooda, waxay qayb muhiim ah ka qaadan karaan in kor loo qaado Maalinta Carruurta Adduunk.
 Maalinta Carruurta Adduunka waxa ay ina siisaa mid kasta oo naga mid ah dhiirra gelin  si aan ugu doodno, kor ugu qaadno, una xusno xuquuqda carruurta, iyo ka shaqeynta arimaha carruurta si ay uhelaan adduun ka wanaagsan midka ay kunool yihiin maanta.
Sannadkan, dhibaatada COVID-19 waxay keentay qalalaasaha xuquuqda carruurta. Kharashyada kubaxaya cudurka faafa ee caruurtu ku dhaca si lamid ah dadka kale haddii aan wax laga qaban, waxa laga yaabaa inay sii jiraan inta ay nool yihiin carruurtu sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay in carruurta il gaar ah loo yeesho.
Waa waqtigii ay jiilalka isu imaan lahaayeen si ay dib u qiyaasaan nooca adduunka ee aan rabno inaan abuurno. Noofambar 20, carruurtu waxay dib u qiyaasi doonaan halka ay uga soconayaan Meesha ay taagan yihiin maanta.
Sannadkii 1925kii, Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta ayaa markii ugu horreysay lagaga dhawaaqay Geneva intii lagu guda jiray Shirweynihii Adduunka ee Badbaadinta Carruurta. Laga soo bilaabo 1950kii, waxaa 1da Juun laga xusaa inta badan wadamada shuuciga ah  20-ka November si loo xuso Baaqa Xuquuqda Carruurta ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 20kii Noofambar 1959 Waddamada qaarkood, waa toddobaadka carruurta ee maaha maalinta carruurta.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.