Deeq Raashin ah oo la gaarsiiyay dadka ku nool Deegaanada Haadwayne iyo Shabeeley ee Duleedka Kismaayo .

0
184

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Gudiga Culumada gurmadka abaaraha Magaalada Kismaayo ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool Deegaanada  Haadweyne, Turqato iyo Shabeeley oo ka mid ah Deegaanada hoos yimaada Degmada Kismaayo.

Deeqdaan raashinka ah ee la gaarsiiyay dadka tabaalaysan ayaa laga aruuriyay dadka ku nool Magaalada Kismaayo sida Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada Kunool Magaalada Kismaayo.

Hamdi Maxamed Yaasiin:- ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.