Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo maanta shir Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada

0
230

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Dowladda Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha  ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarada kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Ethiopia iyo Seychelles.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah.

Abdinoor Samriye,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.