Shaxda ugu Fiican Todobaadka Premier League oo La Soo Saaray.

0
381

Premier League-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa xasuuqday kooxda Man United Kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa premier League iyaga oo ku garaacay 5/0.

Dhanka kal Chelsea ayaa sii xejisatay hogaankeeda waxana ay Norwich City ku garaacday 7/0 halka ay Man City 4/1 ku garaacday Brighton.

Kooxda West Ham ayaa dhankeeda 1/0 uga badisay kooxda Tottenham halka ay Watford 5/2 ku garaacday kooxda Everton kulan lama filaan ahaa.

Arsenal ayaa dhankeeda 3/1 ku garaacday Aston Villa halka ay Southampton iyo Burnley ku kala bexeen 2/2 sidoo kale Leeds iyo Wolves ayaa bar-baro 1/1 ah ku kala baxay si la mid ah Crystal Palace iyo Newcastle.

Kadib kulamda toodbaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadak premier League iyada oo Liverpool ku leedahay xiddigaha ugu badan kuna leedahay 5 xiddig

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda 3 xiddig ku leh shaxda halka ay kooxda Man City dhankeeda shaxda ku leedahay 2 xiddig sidoo kale Watford ayaa shaxda ku leh hal xiddig.Garth Crooks' team of the week

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.