Kylian Mbappe oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadkan.

0
241

Ballon d’Or-(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka PSG Kylian Mbappe ayaa saaxiibkiis Lionel Messi ku taageeray ku guuleysiga Ballon d’Or 2021, Labada xiddig ayaa muujiyay tayadooda kadib markii ay kooxda PSG ku hogaamiyeen guul soo laabasho leh oo 3/2 ah oo ay ka gaadheen kooxda RB Leipzig wareega group-yada UEFA Champions League.

Waxa si weyn loo hadal ahayaa abaalmarinta Ballon d’Or 2021 taas oo la shaacin doono todobaadyada soo socda iyada oo ay ku tartami doonaan abaalmarinta xiddigo waaweyn.

Waxa la soo saaray 30-ka Ciyaaryahan ee u tartami doona abaalmarinta bisha November iyada oo la qaban doono Xaflada Abaalmarinta 29 bisha iyada oo la sugayo Xiddigaha ku Guulaysan doona.

Kylian Mbappe ayaa yiri “Waa Sharaf in aan la ciyaaro Lionel Messi, waxa aan aaminsanahay in uu u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.