Luka Modric oo Doortay Xiddiga u Qalma Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or

0
210

Ballon d’Or-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa u sheegay saaxiibkiisa Karim Benzema uu u qalma ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or -ka 2021 kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Xiddiga reer Croatia ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sannadka 2018 ka dib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu u soo qaatay kooxda iyo dalkiisa, sidaa darteed wuxuu wax ama labo ka yaqaannaa abaalmarinta la qiimeeyay.

Markii la weydiiyay abaalmarinta, Modric wuxuu ka hadlay fursadaha saaxiibkiis Real Madrid, halka uu sidoo kale qiray inay jiraan ciyaartoy fara ku tiris ah oo ku guuleysan kara Ballon d’Or sannadkan.

“Waan arki doonnaa. Waxaa jira musharixiin kala duwan oo ku guuleysan kara. Aniga, Karim ayaa ka mid ah. Waxaan rajeynayaa inuu ku guuleysto sababtoo ah wuu u qalmaa marka loo eego sida uu u ciyaaray sannadkan”.

“Waxaas oo dhan, sannadihii ugu dambeeyay. mar walba waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah haatana waxa uu xulka France kula guulaystay koob muhiim ah taas oo ka caawin karta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.