Daafacyada ugu Goolasha badan Taariikhda Champions League oo La Shaaciyay

0
315

Champions League-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona ee Gerard Pique ayaa isku qoray taariikhda champions League kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Dynamo keiv kulan ka tirsanaa Champions League.

Daafaca dhexe ee Gerard Pique ayaa ku biiray difaacyada ugu goolasha badan Taariikhda tartanka champions League kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Dynamo keiv.

Gerard Pique becomes joint highest scoring defender in the Champions League  - Barca Blaugranes

Gerard Pique ayaa dhaliyay goolkiisii 16-aad ee tartanka champions League kulankii ay kooxdiisu garaacday Kooxda Dynamo keiv kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka.

Pique ayaa bar-bareeyay xiddigii hore ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Roberto Carlos kaas oo dhankiisa 16 gool ka dhaliyay tartanka champions League.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddigii hore ee Real Madrid haatana u ciyaara kooxda PSG ee Sergio Ramos kaas oo dhaliyay 15 gool oo tartanka champipns League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.