Liverpool oo Guul Ka Gaartay Kooxda Atletico Madrid.

0
240

Liverpool-(Idaacadda Waamo)- Liverpool ayaa guul 3/2 ka gaartay Atletico Madrid xilli Salah kulankaan uu wacdaro dhigay waliba uu isku qoray taariikhda kooxda macalin Klopp

Liverpool biloowgii cadaadis xooggan ayay saareen Atltico kuwaasi oo raadinayay jawi ciyaarta kula qabsadaan balse waxaa ka naxsaday Salah oo xiddigo kooxdaas reer Spain ah farsameeyay waxaase ku sii.  xigay oo isna gool dharbaaxo ah ku sii garaacay  Keita  xilli goolasha yimaadeen daqiiqadihii 8-aad iyo 13-aad

Atletico wel wel kama aysan qaadin goolashaas , kubadana waa ay gaarsiinayeen goosha Liverpool balse waxaa laf dhuun gashay ku ahaa goolhayaha kaasi oo bad baadi sameeynayay.

Liverpool labada goolba waxaa ka muuqday qalad dhanka daafaca ah waxaana daqiiqadihii 20-aad iyo 34-aad laba gool ka dhaliyay A. Griezmann

Nasiib darro, Atletico waxaa kaarka casaanka tooska ah ka qaatay A. Griezmann ka dib markii si qaldan kubadda lugta ula aaday  taasi oo keentay in madaxa  uu jug ka gaarsiiyo Firminhi waxa ayna aheyd daqiiqadii 52-aad .

Liverpool iyaga ayaa u dhawaa gool ilaa loo dhigay rigoore waxaana daqiiqadii 77 gool u turjumay Mohamed Salah kaasi oo uu ahaa goolkii labaad ee kulankaas  waxa ayna kubad hayshada kooxda Klopp gaareysay %64 waxa ayan Atletico sameeyen afar badal waxaan xiddigaha soo galay ku jiray Suarez waxa ayna dhacday daqiiqadii 80-aad.
Atletico daiiqadii 81-aad ayaa rigoore loo diiday ka dib markii VAR lagu laabtay , mana jirin dhamaadkii wax laga qoro oo Liverpool iyaga ayaa maamulay ciyaarta , waxa ayan Atletico dhamaadkii isku dayeen goolka bar bar dhaca balse uma suura galin waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay Liverpool guusha ku raacday.ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.