Maamulka Dekadda Kismaayo oo ka warbixiyay shaqooyinka dakada iyo sida ay u socdaan

0
305
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Dakadda Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ay ka mid tahay dakadaha ugu waa wayn Soomaliya waana isha uu dhaqaalaha ugu badan ka soo galo dowlad goboledka Jubbaland .
Dakada Kismaayo waxaa ka soo daga badeecooyin kala duwan oo muhiim u ah nolosha bulshada ku nool degaanada dowlad goboledka Jubbaland  w sidoo kale waxaa laga dhoofiyaa xoolaha nool gaar ahaan lo,da .
Maareeyaha Dekadda Kismaayo  Axmad Xaaji Aadan ayaa ka warbixiyay shaqooyinka maalin laha ah ee dakada ka socda iyo badeecoyinka ka soo daga waxaa uuna sheegay in 10 sano ka hor ay dakadaan badeecadaha keeni jireen doonyo yar yar balse hada ay ku soo  xirtaan maraakiib waa wayn oo keena shixnado kala duwan .
Dhanka kale qaar ka mid ah  hawl wadeenada ka shayeeya dakada Kismaayo ayaa ka waramay shaqooyinka ay dakada ka qabtaan iyo waxyaabaha looga baahanyahay maraakiibta dakada ku soo xirta .
Hamdi Mohamed Yasin ,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.