Wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta Jubbaland oo kulan la qaadatay gudiga xalinta dhulalka

0
246

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- howlaha guud iyo guriyeynta Jubbaland ayaa kulan la qaadatay guddiga xalinta shaqaaqooyinka dhulalka xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo.

 kulankan ayaa ahaa mid la iskaga xog wareysanayey arimaha dhulalka oo inta badan ay bulshada deegaanka ay kuwada murmaan.
waxaana kulanka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta Jubbaland iyo masuuliyiin kale.
gudoomiyaha gudiga xalinta shaqaaqooyinka dhulalka Cumar Ciise Barre ayaa sharaxaad ka bixiyey caqabadii soo wajahay gudiga intii ay ku guda jireen howlahan.
Dhanka kale xoghaya guud ee garsoorka Jubbaland Cabdulaahi Cabdiqaadir Qaanuuni, ayaa ka hadlay caqabadaha ka taagan dhulalka.
Ugu dambeen wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta dowlad goboleedka Jubbaland Cabaas Cabdulaahi Mayoow,ayaa faafin ka bixiyey muhiimada loo qabtay kulankan.
Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintan inooga diyaarisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.