Maamulka degaanka goobway ugu baaqay  dowlad goboledka Jubbalan iyo Hay’adaha in ay caawiyaan dadka  ay abaartu saamaysay

0
231
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Degaanka goobwayn oo dhaca waqooyiga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jirta xaalado binaa,aadanimo oo ka dhashay  abaarta ka jirta degaanka oo saamaysay  nolosha dadka ku nool degaan oo isugu jira beeralay,xoola dhaqto iyo ka luumaysato.
wabiga oo ay dadka degaanku biyaha ka heli jireen ayaa xiligaan ah mid aan biyihiisa lacabi karin maadaama biyihiisu ay noqdeen ku dhanaan oo ay badu ku soo caariday sido kale waxaa sara u kacay qiimaha miciishada qutul duruuriga ah.
Gudoomiyaha gudiga xalinta khilaafaadka degaanka goobwayn  Yoonis Cabdiraxmaan Geedi oo ka warbixiyay xaalada degaanka ayaa sheegay in degaanka ay ka jirto abaar  baahsan oo xoolihii dhamaaysay sido kalana ay degaanka biyo la,aan ka jirto waxaa uuna intaas ku daray inaay jiraan kaararka raashinka lagu qaato oo loo qoray dadka danta yar balse aysan wali soo gaarin waxaa baaq u diray  dowlad goboledka Jubbaland iyo Hay’adaha sama falka si loo caawiyo dadka degaanka oo xiligaan wajahaya dhibaatooyin ka dhashay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah degaanada dowlad goboledka Jubbaland .
Hamdi Mohamed Yasin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.