Gudiga Udiyaargarowga iyo Ka Jawaabista Musiibooyinka Jubbaland oo Deeq Lacag ah Ku Wareejiyey Maamulka Magaalooyinka Badhaadhe iyo Afmadow

0
256

Kismaayo-(Idaacadda Waamo Gudiga Udiyaargarowga iyo Ka Jawaabista Musiibooyinka Jubbaland oo ay horey magacawday Wasaarada Gargaarka Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa deeq lacageed Ku Wareejisay Maamulka Magaalooyinka Badhaadhe iyo Afmadow oo Kismaayo ku sugan.

Deeqda lacageed ee lagu wareejiyey Maamulka Magaalooyinka Badhaadhe iyo Afmadow ayaa eheyd mid logu talagalay in dhiig joojin looga dhigo dadka ay sida daran u saameysay abaarta ee ku nool Magaalooyinka Badhaadhe iyo Afmadow.
Gudiga Udiyaargarowga iyo Ka Jawaabista Musiibooyinka Jubbaland ayaa sheegay in ay uruuriyeen Lacag dhan 6600 $ taas oo ay uqeybiyeen Maamulka Dagmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe si ay biyo  Dhaamin ugu Sameeyaan Dadka halkaasi ku nool.
kulan ay  yeesheen Gudiga Udiyaargarowga iyo Ka Jawaabista Musiibooyinka Jubbaland markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Ugaas Abdulaahi Siraad Abdi wuxuuna Faahfaahin ka bixiyey halka ay wax umarayaan iyadoo dadka wax heysta ugu baaqey in ay ka qeyb qaataan gurmadka.
Cowke Cali Cawil ,ayaa warbixintan inooga diyaariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.