Sir Alex Ferguson oo Magacaabay Xiddiga uqalma Abaalamarinta Ballon d’Or.

0
259

Man United-(Idaacadda Waamo)-Tababarihii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa magacaabay xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or sanadka.

Waxa la shaaciyay liiska 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta sanadka iyada oo la bixin doono laba abaalmarin.

Laba abaalmarin oo Ballon d’Or ah ayaa la bixin doonaa 29 November kadib markii la baajiyay abaalmarinta saandkii hore sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Isagoo warbaahinta ka hadlaya xafladda soo socota ee Ballon d’Or, Sir Alex Ferguson ayaa yiri: “Cristiano Ronaldo wuu u qalmaa, sannadkan, wuxuu jabiyey rikoorba rikoodh ka dambeeya”.

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Lionel Messi ayaa la rumeysan yahay inuu ugu cad cad yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta 2021 ka dib markii uu Argentina ku hogaamiyay hanashada Copa America 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.