Phil Foden oo Man City Heshiis Wakhti Dheer ah Usaxiixay.

0
211

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Phil Foden ayaa ogolaaday in uu heshiis 6 sano ah u saxiixo kooxda Man City.

Wargayska SunSport ayaa sheegaya in uu xiddiga reer England Man City kula jiro wadahadalo dhamaad ah si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Waxa la rumaysanyahay in xiddiga iyo kooxdu isku af garteen heshiiska cusub isaga oo kooxda sii joogi doono ilaa xagaaga 2027 laguna dhawaaqi doono heshiiska maalmaha soo socda.

Foden ayaa Man City kula jira heshiis 3 sano ah kaas oo uu saxiixay sanadkii 2018 isla markaas mushahar ahaan ugu qaadanayay lacag dhan 30 kun oo Gini.

Laakiin Man City ayaa haatan Foden ku abaalmarisay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2027 kagana dhigayso xiddigaha da’yarka ah ee ugu mushaharka badan premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.